Ujeeddadayada
Aragtida iyo Hadafka
Aragti
In la kobciyo bulshooyin nabad ah, loo wada dhan yahay oo adkaysi leh, iyadoo loo marayo nabad-dhisid waarta, ka-hortagga khilaafaadka, dib-u-heshiisiin iyo wadajir bulsho, halkaas oo dadka oo dhammi ay ku wada noolaadaan is-waafaqsanaan, is-ixtiraam iyo sharaf.
Hadaf
In la horumariyo nabad-dhisid waarta, ka-hortagga khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta bulshooyinka Soomaaliyeed, iyadoo la fududeynayo wada-hadal loo dhan yahay, la xoojinayo qaab-dhismeedyada nabadda ee bulshada ku salaysan, la taageerayo hababka xallinta khilaafaadka ee beddelka ah, lana awoodsiinayo haweenka, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka iyo culimada diinta si ay si firfircoon uga qaybqaataan hababka nabadda.
KAADO wuxuu u heellan yahay dhisidda kalsooni wadaag ah, kobcinta wadajirka bulshada, ka-hortagga khilaafaadka iyo abuurista bulshooyin nabad ah, adkaysi leh oo loo dhan yahay guud ahaan Soomaaliya.
Ballanqaadyadayada
Waxa hagaya shaqadayada
Barnaamijyo Xasaasi u ah Khilaafaadka
Waxaan hawlaha u qorshaynaa una fulinnaa annagoo fahamsan xaaladda deegaanka, si shaqadeennu u yarayso xiisadaha halkii ay ka kordhin lahayd.
Isla-xisaabtan
Waxaan kula xisaabtannaa bulshooyinka aan u adeegno iyo la-hawlgalayaashayada sida aan u shaqayno iyo sida kheyraadka loo isticmaalo.
Loo-dhammaansho
Waxaan fursado u abuurnaa haweenka, gabdhaha, dhallinyarada iyo bulshooyinka gudaha ku barakacay si ay uga qaybgalaan, u muujiyaan walaacyadooda, uguna biiriyaan xalalka.
Iskaashi
Waxaan ku shaqaynaa qaab-dhismeedyo ay bulshadu ku kalsoon tahay, waxaanan la shaqaynaa daneeyeyaal kala duwan si wax looga qabto mudnaanta la wadaago.
Waxyeello La'aan (Do No Harm)
Waxaan ku dadaalnaa in joogitaankayaga iyo hawlahayagu aysan bulshooyinka u horseedin khatar dheeraad ah.
